Dhageyso:- Guddiga Doorashooyinka Soomaliya  oo Sheegay in ay jirto Faragalin Dhanka doorashada ah

0

Guddiga doorashooyinka Soomaliya oo Maanta hortagay Baarlamanka Soomaliya ayaa sheegay in qaar kamid ah  Madaxda dowlada soomaliya ay faragalin ku hayaan doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka marka la gaaro.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Soomaliya   Xaliimo Ismaciil Ibraahim oo loo yaqaano Xaliimo Yareey. Oo hadal ka jeedisay kulanka Baarlamanka Soomaliya ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn la’ yihiin Madax ka tirsan dowlada soomaliya oo mar walba fara Galin ku haya arrimaha doorashooyinka iyadoona hadalkeeda ku dartay in hadii sharciga laga soo saari waayo arintaas ay doorashada soomaliya noqon doonto mid kooxi ay maamusho.

Dhanka kale Guddiga arrimaha Gudaha ee Baarlamanka Soomaliya oo dhankiisa ka Hadlay ayaa sheegay in arintaan jirto ayna ku raacsan yihiin soo jeedinta Guddiga doorashooyinka qaranka soomaliya,

Xildhibaan daahir amiin jeesow oo ka Hadlay kulanka  ayaa dhankiisa sheegay in ay mar walba ka warqabaan madax ka Tirsan dowlada soomaliya oo doonaysa in ay af-duubtaan doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here