Qabiiryahano Ka Digay Weeraro Ay Geystaan Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

0

Qabiiryahano ka faalooda arimaha burcad badeeda Soomaalida oo fadhigoodu yahay dalka Kenya ayaa sheegay in ay aad kaga cabsi qabaan in sanadkan 2018-ka ay ziyaadaan weerarada badweynta Indian ocean ka geystaan burcad badeeda Soomaalida.

Sanadii 2017-kii waxaa la soo wariyay ilaa iyo sagaal weerar oo dhacday sanadii 2017-kii iyo bartamaha sanadkii 2016-kii waxaase ay khabiiryahanada tilmaameen in uu aad hoos ugu dhacay marka la barbar dhigo 2015 iyo 2014-kii.

Mr Pottengal Mukundan oo ah agaasimaha hay’adda caalamiga ee badaha taa oo loo soo gaabiyo IMB ayaa waxa uu sheegay in burcad badeeda Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin fulinta weeraro ay ka geestaan xeebaha Soomaaliya oo inta badan ay ka howlgalaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here