Badmaaxi lagu magacaabo Nakka Bharat oo kasoo jeeda xaafada Maruteru oo dhacda galbeedka Gobalka Godavari ee dalkaasi india ayaa lagu la’yahay gudaha dalka soomaaliya sida uu sheegay wasiirka arimaha dibadda Inida Sushma Swaraj.
Nakka Bharat ayaa la sheegay in uu la shaqeynayay markab ay leedahay shirakadda lagu magacaabo Westline waxaana la waayay tan iyo 11 bishii November 2017.
Qaar kamid qoysaska ninka la la’ san yahay ayaa sheegay in ay isku dayayaan sidii loo heli lahaa waxaana ay sheegeen in ay weydiiyeen maamulaha shirkada iska leh markabka uu la socday kuwaa oo aan bixin jawaabi rajo ay ka muuqato waxaase ay sheegeen in ay aad kaga walwalsan yihiin xaaladiisa iyagoo dowlada Soomaaliya ka codsaday in lagu gacan siiyo sidii lagu heli lahaa.

