Wararka ka imaanaya dalka masar ayaa ku waramaya in muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaas ku noolaa in xabsi la dhigay.
Ciidamadda amaanka dalka masar ayaa howlgal ka sameeyay xaafadaha ku yaalla degmada Nasri City ee Soomaalida ku badan tahay, waxaana ay xabsiga dhigeen 14 qof.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka dadka la xirey ayaa isugu jira arday iyo qaxooti, waxaana la barayaa sida la xaqiijiyey sharciga ay ku joogaan dalka Masar.
Weli taliska booliiska iyo maamulka degmada Nasri City faah faahin kama aanay bixin Soomalidan ay xireen.

