Dowlada Kenya oo Ka Walaacsan Weeraradda Al-shabaab

0

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan gudah Kenya ay yihiin kuwa sii kordhay, iyagoona sheegay in ay ka walaacsan yihiin weerarada tooska ah ee ka imanaya Al-shabaab kuwaa oo inta badan ka dhaca gudaha dalka Kenya gaar ahan jaziirada Lmau.

Hay’adaha amaanka ayaa xusay in xarumaha dowladda lala beegsado qaraxyo iyo weeraro toos ah waxaana ay xuseen in la u gaarsado xubnaha dowladda Kenya la shaqeeya waxaana la tilmaamay  in weeraro ay fuliyeen lagu burburiyay hanti ay lahayeen ganacsatada u dhalatay dalka Kenya.

Dagaalyahanada Al-shabaabka ka dagaalama cariga kenya ayaa la xusay in howlgalka Linda Boni uu yahay mid aan wali looga adkaan halkaa oo ciidamo badan oo u dhashay kenya ay ku geeriyoodeen.

Intii u dhaxeesay bilihii May iyo November sanadii 2017 waxaa la dilay in kabadan 30 kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Kenya waxaana ay ku dhinteen Qaraxyo iyo weeraro kala duwan oo    Al-shabaabka ka howlgala dhulalka Kenya ay ka geesteen deegaanada iyo degmooyinka dalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here