Ciidamo Ka Tirsan Dowladda oo La wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaweyd la wareegay  Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar (Visha Governo).

Ciidamadaan ayaa hadda waxa ay ku jiraan Gudaha Xarunta.

Xaruntan ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaaa oo si sharciyeysan halkaasi kaga howlgalay tan iyo Markii Maamulka Gobolka gacanta ku dhigay Gudoomiye Thaabit Cabdi.

La wareegitaanka Ciidamadan ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ee xarunta Gobolka Banaadir ayaa timid, kaddib markii xalay saqdii dhexe ciidamo fara badan lagu hareereeyay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Waxaa maanta xiran inta badan wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa lagu arkayaa isgoysyadda  Magaaladda, sida Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiin, Siinaay, Falorensa, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, KPP iyo Tarabuunka.

Saakay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiye  Taabid oo xilkan hayay muddo ku dhow sagaal bilood, iyadoo lagu bedelay Eng. Yariisow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here