Inta la xaqiijiyay wiil dhalinyaro ahaa ayaa ku dhintay,haweeneyna way ku dhawaacantay kadib qarax ka dhacay magaaladda muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Agagaarka Jaamacadda Gaheyr Degmadda Dharkinley ee Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari dagaal ay saarnaayeen Ciidamadda Dowladda Soomaliya oo halkaas marayay.
Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya, oo halkaas baaritaan ka sameeyay.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay magaaladda Muqdisho.

