Qarax Miino ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Magaaladad Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Shaneemo cabdi Waayeel Degmadda heliwaa ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah waxaa qaraxaan lala beegsaday Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa Abshir Kaaraan oo xiligaas halkaas marayay waxaana la sheegay in uu ka badbaaday.
Qaraxa ayaa dhacay markii uu dhaafay Shaneemadda gaariga uu la socday Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa waxaana la sheegay in wax khasaare ah inuusan ka dhalan,sidoo kale waxaan jirin wax khasaaro ah oo dadka deegaanka soo gaaray.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda ammaanka Degmada Heliwaa iyagoo halkaas kawada baaritaan,mana jirto cid sheegatay qaraxa.

