War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay gudaha magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Wararka inaga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan xaafada Taleex ayaa ku waramaya in gaari qarax lagu xirey uu halkaas ku qarxay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan gaariga qarxay ayaa waxaa saarnaa laba ruux, oo midi uu gaariga kaxeynayay, halka midka kalena uu fadhiyay kursiga kale ee shirka.

Labada ruux ee gaariga saarnaa ayaa dhaawac uu soo gaaray, ninkii gaariga kaxeynayay oo magaciisa lagu soo koobay Catoosh ayaa dhaawac culus uu soo gaaray.

Gaariga qarxay ayaa ahaa kuwa Raaxadda.

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya oo gaaray goobta ayaa halkaas kawada baaritaan.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegaya mas’uuliyadda qaraxa.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here