Wasaarada arrimaha Gudaha oo shaaciyay xiliga uu Furmayo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

0

wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa oo Maanta saxaafada kula Hadlay Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe uu Furmi  Todobaadka soo socda,

Wasiir Odawaa ayaa amaan usoo jeediyay Maamulka Gobolka shabeelaha dhexe isagoona ku amaanay qaabkey u  dhiseen xarunta loogu Talagalay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyo nadafaada Magaalada jowhar, isagoona Tilmaamay in dowlada soomaliya ay dhankeeda soo dhameystiri doonto wax loogu baahan Yahay,

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa dhanka kale ugu baaqay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo bulshada labada Gobol in ay ka shaqeyaan is dhaxgalka iyo nabadeynta isagoona sidoo kale ugu baaqay in ay doortaan midka ka shaqeyaa  danaha Labada Gobol,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here