Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland halkaasi oo maalmihii dambe uu ka socday diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweynaha.
Madaxda Puntland oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Dr-C/wali Maxamed Cali Gaas,Ku Xigeenkiisa C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camey),Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland ayaa loo diyaariyey Madaxweyne Farmaajo in ay ku soo dhaweeyaan Garoonka Diyaaradaha Garoowe.
Madaxweyne farmaajo ayaa marka uu gaaro Magaalada waxaa uu ka qeybgalayaa Munaasabada ku saabsan 4-sano guuradii ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, waxaana uu kulamo looga hadlayo Arimaha Siyaasada ee Dalka ka jira uu la qaadan doonaa Madaxda sare puntland.
Wararka ayaa intaa ku sii daraya in Madaxweyne Farmaajo uu tagitaan kiisa Garoowe uu booqan doonto Dagmada Qardho ee Gobalka Bari Halkaasi oo Xarun u ah Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse si uu Bulshada Puntland ugu Muujiyo in Dowladda ay ku shaqeyso rabitaan iyo la Tashiga Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Waa Safarkii ugu horeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku Tago deegaanada Puntland tan iyo markii Madaxweyne loo doortay bilowgii Sanadkii 2017-kii.

