Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Japan Taro Kono ayaa booqasho ku tagay dakadaha dalalka Colombia iyo Sri Lanka, waxaana uu kala hadlay dalalkaas kor u qaadista la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Qorshaha booqashada wasiirka ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii dowladda japan ay u balaarin laheyd la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida waxaana Stratajiyad ahaan la tilmaamay in badweynta Indian ocean ay muhiim u tahay sidii looga hortagi lahaa burcad badeeda Soomaaliyeed.
Dowladda japan ayaa sheegtay in ay ku lug leedahay dhismaha dakadda Srilank ee badweynta Indian ocean iyadoo ciidamada Japan ee ka howlgala biyaha Soomaaliya ay dalbadeen in laga gacan siiyo sidii looga hortagi lahaa qatarta weerarada ay geystaan burcad badeeda Soomaaliyeed.
Waxaana sidoo kale wasiirka arimaha dibadda dalka Japan uu sheegay in dhowr wadan laga furi doono xarumo ay ka howlgalaan ciidamada dagaalka kula jiro kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed.

