Gudoomiye Taabid oo Sheegay in uu Baaqday Shirkii Wadatashiga ee Gobolka Banaadir 

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo goordhaweyd wariyayaasha kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in uu baaqday shirkii wadatashiga ee Gobolka Banaadir.

Taabid ayaa sheeagay in sababo farsamo darteed uu u baaqday Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7-da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in maamulka Gobolka Banaadir uu dib ka soo sheegi doono waqtiga uu dhacayo shirkaasi wadatashiga ah.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa dabayaaqadii bishii December shaaciyay in 7 bishan ;la qaban doono shirweyne looga hadlayayo nabadgeliyada iyo horumarka caasiamadda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here