Al-shabaab:-“Saraakiil Ka Tirsanaa Nabad Sugidda DF-ka Ayaan Ku Dilnay Muqdisho”,

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay  ka dhacay Xaafadda Koodka Degmadda Xamar weyn ee Magaaladda Muqdisho.

Ragg hubeysan ayaa labo wiil oo ilmo adeer ahaa ku toogtay xaafadaas wuxuuna dilkaan dhacay xiligii salaadda cisho kadib.

Ragga weerarka geystay ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay labada Wiil oo isla goobta ku dhintay, weerarkan ayaa ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Dhanka kale War kasoo baxay Xarakadda Al-shabaab ayaa lagu sheegay In labada wiil ee la toogtay ay ka Tirsanaayeen Ciidamadda Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here