Waxaa goor dhaweyd magaalada caasimada ah ee muqdisho lagu soo dhaweeyay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha soomaaliya iyo xubna kale uu hor kacaya.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ayaa wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Zabriye waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, Xildhibaano, Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Gudoomiyaha gobolka banaadir bahda Saxaafadda iyo xubno kalo katirsan maamulka gobalka banaadir.
Wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha somaaliya ayaa la filayaa dhawaan inuu xilkaasi kala wareego wasiirkii hore arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax siciid Juxa oo shalay xilkaasi laga qaaday.
Halkaan ka Daawo soo dhaweynta Wasiirka Cusub ee Wasaarada arimaha gudaha soomaaliya






