Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir jaraaid ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa kasoo horjeestay Go’aanka Maxkamada Racfaanka gobolka banaadir.
Waxa uu sheegay in go’aanka Maxkamadda uu yahay mid siyaasadeysan, oo la doonayo in isaga lagu sumcad dilo, lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqiisa iyo hankiisa siyaasadeed.
Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay siyaasiga sida madaxda dowladda federaalka Somaliya iyo garsoorka isaga indho-tireen weerarkii lagu soo qaaday xarunta xisbigooda iyo dilkii goobtaasi ka dhacay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatooyin horay loogu geystay weli lala daba joogo isla markaana ay masuul ka yihiin Madaxda ugu sareysa dalka sid Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayuu ku eedeeyay in uu burburiyay Go’aankii Maxkamada Gobolka Banaadir islamarkaana go’aankiisa yahay mid siyaasadeysan.
Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, ayaa ugu baaqay Taageerayaashii in ay isdejiyaan, isaga oo u mahadceliyay odoyaasha dhaqanka iyo cid walba oo gacan ka geystay arrinkiisa.

