Dowladda Kenya oo Dhulkeeda Ku Darsatay 790 Guryo Soomaali Leedahay

0

Wafdigii dowladda Soomaaliya ee dhawaan kasoo laabtay Gobolka Gedo ayaa Golaha aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya u sharxay wixii ay kusoo arkeen xuduudka kenya iyo Soomaliya.

Waxa ay sheegeen in Silliga ay Kenya marineyso xuduudka uu dhinaceeda mariyey guryo ay Soomaali leedahay oo ku dhow 1,000 Guri.

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa wafdiga tegay Beledxaawo ayaa kulankii Aqalka Sare ee maanta ka sheegay in waxgaradka iyo Odayaasha Beledxaawo ay wafdiga u sheegeen in ilaa 790 Guri oo ay leeyihiin Soomaali ay gudaha Kenya galeen.

Silliga ay Kenya ka dhiseyso magaalada xuduudka ku taalla ee Beledxaawo ayaa la dhisay ilaa 6 KM isagoo ku socda Webiga ilaa magaalada Beledxaawo afkeeda, waxaana Senator Fartaag uu sheegay in dhulkaasi aanu ahayn dhulkii hore Kenya uga tirsanaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here