Wasaaradda Amniga oo Sheegtay in Lagu Raadjoogo Ragii Dilay Cali Nuur Shuute+Dhageyso

0

Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay dil xalay degmadda dharkinley ee magaaladda muqdisho loogu geystay Cali Nuur Shuute oo ahaa aabaha Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidamadda Qalabka sida ee Dowladda Soomaliya.

Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdiaziz Ali Ibraahim (Xildhibaan) oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dilka markuu dhacay kadib ay Ciidamadda  amniga dowladda Soomaliya ay saameyeen baaritaano,islamarkaana lagu raad-joogo ragii ka dambeeyay dilka.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda amniga gudaha ay mar walba u heelan tahay sugida amniga magaaladda muqdisho ee caasimada Soomaliya,iyo ka hortaga weerarada Xarakadda Al-shaabab.

Dilkii xalay loo geystay Ala ha u naxariistee aabaha Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidamadda Qalabka sida ee Dowladda Soomaliya Xasan Cali Nuur Shuute waxaa sheegtay Al-shaabab,iyagoo ku eedeeyay in uu la shaqeynayay Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here