Dagaalyahanada Xarakada Al shabaab ayaa sheegay in ay dileen 5 kamid ahaa ciidamada Kenya iyagoo gubay gaari ay lahaayeen ciidamada police-ka dalkaasi kadib weerar ay ku qaadeen deegaan dhaca xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan gaar ahaan deegaan lagu magcaabo El-Wak Kutulo.
“Waxaa la dilay shan kamid ah askarteena amaanka markii weerar lagu soo qaaday Elwak-Kotulo waxaana la gubay gaarigooda” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Daniel Bundotich oo ah gudoomiye ku xigeenka magaalada Mandera.
Danial Bundotich ayaa sheegay in saddex kamid ah askarta la dilay ay ahaayeen ciiidamada kenyaatiga booliska halka labada kalena ay ahaayeen saraakiisha maamulka.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo wakaalada wararka ee Anadolu la hadlay ayaa waxa uu sheegay in weerarka uu ahaa mid gaadmo ahaa.
Weerarkaan ayaa ku soo aadaya wax kayar todobaad xili Xarakada Al shabaab ay weerar ku qaadeen xarumo police oo dhaca waqooyiga bari Kenya gaar ahaan magaalada Gaarisa.

