Kooxo hubeysan ayaa caawa Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen aabaha mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.
Rag hubeysan ayaa toogtay xiligii salaadda maqrib aabaha Col Xasan Cali Nuur Garyaqaan Shuute- Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya xili uu fadhiyay goob darjiin ah.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir,waxayna halkaas ka sameeyeen howlgal lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka.
Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay aabe cali Nuur Shuute, iyo cid sheegatay dilka.

