Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Madaxweynaha ayaa amray in si deg deg ah loo baaro ciidamada weerarka ku qaaday hoyga Senator Sanator Qeybdiid.
War kooban oo madaxooyada Soomaaliya baahisay ayaa u qornaa:
“Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa lala tiigsan doonaa sharciga..”.
Amarkan ayaa soo baxaya kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaliya ayaa maanta weerar ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

