Cabdi Qeybdiid oo Ka Hadlay Weerarka Lagu Qaaday Gurigiisa

0

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraaid ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay weerar Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaliya ay ku qaadeen  guri uu ka degganyahay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ciidamadda ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ay amar la’aan galeen Gurigiisa oo ku yaala degmadda Hodan gaar ahaan isgoyska Banaadir.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in ciidamadda guriga galay ay burburiyeen qeybo badan oo guriga ah,iyagoo sidoo kale jabiyay albaabka guriga.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada maanta galay gurigiisa ay jir dileen mid ka mid ah ilaaladiisa oo xilligaas ku sugnaa Gurgiga.

Howlgalkan ayuu ku timmaamay mid sharci darro ah maaddaama isaga uu yahay Xildhibaan ka mid ah aqalka sare ee dalka.

Xiliga uu dhacayay weerarka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka maqnaa Guriga sida uu isaga qiray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here