Al Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Booliis oo Ku Yaalla Deegaanka Ijara

0

Dagaalyahano ka tirsan al shabaab ayaa weerar ku qaaday labo xarumood oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ijara oo dhaca waqooyi galbeed dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale dagaalyahanada Al shabaab  ay burburiyeen xarumo ganacsi iyo  qalab isgaarsiineed oo ay laheyd shirkadda Safricom oo deegaankaasi ku taala iyadoona ay horay u sii ka xeystay gaari Land Guruusal ah oo xerada ciidamada Kenya dhexyaalay.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska kenya kaa oo la hadlay jariirada Capital News ee Kenya ka soo baxda ayaa waxa uu sheegay in ilaa imika aysan jirin wax qasaara ah oo weerarkaasi ka dhashay.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa laga howlgeliyay deegaanka iyadoo booliska Kenya ay ka cabsi qabaan in dagaalyahanada Al shabaab ay u baxsadeen keymaha Boni ama dhanka xadka Soomaaliya.

Rakaabka iyo gaadiidleyda isticmaasha deegaanada  Tawakal, Tahmeed, Simba, iyo magaalo xeebeedka  Mombasa ayaa waxa ay sheegeen in saakay waqti hore ay arkeen gawaari ay saarnaayeen dagaalhanada al shabaab iyo calankooda oo ka babanayay.

Qaar kamid ah dadkaasi oo warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in tiro ahaan ay dhamaayeen in kabadan 50 dagaalyahano waxaana si qasab ah ay ku fuulayeen gawaarida iyagoo dadka shicibka ah u sheegaya in u jeedkooda uu yahay dowladda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo ka gaabsaday inuu magaciisa warbaahinta u sheego ayaa tilmaamay in caawinaad ay ka heleen military-ga Kenya isagoo xusay in dagaalyahanada  ay ku daba jiraan si ay dib ay ugu soo ceshtaan gaariga ay al shabaab ka xeysteen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here