Dagaal Goor-dhaweyd ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad uu magaalada gudaheeda ku dhax maray maleeshiyaad ka kala tirsan Maamulada Galmudug Iyo Puntlanad.

Iska hor imaadkan ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii labada maleeshiyo ay isku maan dhafeen gaari waday qaad, murankaasina uu dhaliyay labada maleeshiyo inuu dhax maro dagaal kooban balse ay inta karaan kooda labada dhinac ay isku adeegsadeen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay Israaseyntaasi waxaana la sheegay inuu ku dhintay 1 Askari oo katirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland , iyadoona la sheegayo inuu jiro dhaawac soo gaaray quf rayid ah oo ku sugnaa Suuqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana xiisadaasi ku baxay Madax ka tirsan ciidamda xooga dalka gaar ahaan Ciidamada kumaandooska ee (Danab) oo la sheegay iney doonayaan iney dhax dhaxaadiyaan maleeshiyadii maanta dirirtu ku dhax martay Suuqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Isku dhacan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Madxaweynayaasha Puntlanad  & Galmudug ay ka wadeen dadaalo Nabadeed magaaladda Gaalkacyo, si aysan markale dagaalo uga dhicin Magaaladaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here