Munaasabada Daah Furka Dib ula Soo Noqoshada Maamulka Hawada Soomaaliya “Sawirro”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabada daah furka xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo hadda ka socota magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaraya xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeedin doona khudbad ka hadleysa la wareegi taanka dowlada ee Qalabka Hawada Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa sido kale qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Wasiiro,Xildhibaano, Siyaasiyiin,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore oo katirsanaa Xukuumadihii dalka soomaray.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa horay u sheegay in inta uusan dhamaan 2017 dowladda Soomaaliya ay la wareegeyso maamulka Hawadeeda islamarkaana laga maamuli doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Somaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalo Madaxda Dowlada Kenya ee Nairobi.

Halkaan Daawo Sawiradda Munaasabada oo ka socoto Garoonka diyaraadaha Adan cadde

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here