Wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhaxe ayaa sheegaya in duleedka degmadaasi lagu dilay Nin Oday ah oo ka mid aha Nabadoonada deegaanka.
Wakiil wareedka Idaacada Simba ee Gobalka shabeelaha dhaxe ayaa goor-dhaweyd lasoo wadaagay warqabadka idaacadda in duleedka degmada balcad ay dabley hubeysan ku dileed Nabadoon lagu magacaabo bashiir raage oo kamid ahaa Nabadoonada Tuulada walimow ee gobalka shabeelaha dhaxe.
Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dilkan loo geystay Nabadoonka iyo qaabka uu u dhacay wararka ayaa intaa ku daraya in dabley gaaraya ilaa laba ruux oo ku hubeysan Bastoolado ay gurigiisa ugu galeen nabadoonka, halka oo ay ku fureen rasaas Xoogan taasi oo sababtay inuu goobta ku geeriyoodo Nabadoon bashiir raage oo kamid ahaa Nabadoonada tuulada walimow ee G- Sh/ dhaxe.
Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka degmada balcad eek u aadan dilka loo geystay nabadoon bashiir raage oo kamid aha Nabadoonada Tuulada walimow ee gobalka shabeelaha dhaxe, balse xiriiro Radio Simba ee Magaalada Muqdisho ay la sameysay saraakiisha ciidamada Amaanka degmada ayaa ka gaabsaday iney ka hadlan dilka loo geystay Allah u naxariistee Nabadoon bashiir raage.
Sido kale majirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Nabadoonkaan

