Degmada Caabudwaaq oo Yeelaneysa Ciidamo ka Madaxbanaan Galmudug ”Dhageyso “

0

Waxgaradka kunool degmada caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wada qorshe ay ciidamo madani ah kana madaxbanaan galmudug ugu sameyn lahaayeen degmada caabudwaaq ee Gobolka galgaduud.

Nabadoon Yuusuf shire oo kamid ah odayaasha dhaqanka degmada cabudwaaq ayaa u sheegay Idaacada Simba in hada ay wadaan dadaaladi lagu samaeyn lahaa ciidankaasi islamarkaana arintani ay kawada shaqeynayaan beelaha dego degmada caabudwaaq.

Nabadoon yuusuf ayaa ku eedeeyay maamula galmudug in uu dayacay degmada caabudwaaq sidoo kalana uusan maamul hoostaga galmudug hada ka jirin degmada.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in ciidamada madaniga ay yeelaneyso degmada caabudwaaq ay ka shaqeynayaan xaqiijinta amniga si ay kaga hortagaan dhacdooyinka ku saleysan aanooyinka qabiil ee xiliyada qaar ka dhaca degmadaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

120107_008

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here