Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa la dhaariyay, saacad ka hor kadib markii ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.
Wasiirada cusub ee Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa lagu hor-dhaariyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Maamulka Hir-shabeelle sida Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoonka Baarlamaanka iyo xubno katirsan golaha baarlamaanka maamulka hirshabeelle
Madaxweynaha maamulka hir-shabeelle oo ku sugnaa goobta ay ka dhaceysay dhaarta ayaa wajigiisa laga dheehanayay ku faraxsanaan ah in xildhibaanada maamulka hirshabeelle ay ansixiyaan wasiirada cusub ee maamulkaasi ee uu dhawaan ku dhawaaqay, maanta lagu dhaariyay magaaladda jowhar.
Dhanka kale waxaa mesha ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe waxuuna soo dhoweeyay ansixinta Golaha wasiirada.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii lagu ansixinayay wasiirada ayaa ka hadlay arrimaha amniga iyo howlaha hor-yaala Xukuumadda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulkiisa wax ka qaban doono ammaanka, isla markaana la isku furi doono waddooyinka isku xira deegaanada Hirshabeelle, waxaa uu soo dhoweeyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, taasoo uu xusay inay si weyn u wiiqday awoodooda.








