Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda wax duqeeya ay duqeyn ka fuliyeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen koonfurta dalka Soomaliya.
Mareykanka ma uusan sheegin halka sida rasmiga ah ee duqeynta kaga dhacday, balse waxa ay sheegeen in duqeynta ay dhacday subaxnimadii Axada aheyd, taariikhdana ay ku beegneed 24-kii bishaan.
Duqeyntaan ayaa la sheegay in lagu dilay 13-dagaalyahano oo ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab, kuwaasi oo sugnaa goobta la duqeeyay.
“Ciidamadda Mareykanka waxay sii wadi doonaan taageeradda ay siiyaan Ciidamadda AMISOM, iyo kuwa Dowladda Soomaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira Al-shabaab,waxaa la sii kordhin doonaa weeraradda lagu qaado saldhigyadda ay ku sugan yihiin Shabaab”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.
Dhanka kale ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Al-shaabab oo loogu hadlaayo duqeynta ka dhacday koonfurta dalka Soomaliya.

