Wasiir Mursal:-“AMISOM Waa Nabad-dhaliyaal Halka Markii hore ay Ahaayeen Nabad Ilaaliyayaal”,

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa ku tilmaamay ciidamada AMISOM nabad-dhaliyaal halka markii hore ay ka ahaayeen Nabad ilaaliyayaal.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Al-Shabaab ,bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo qiimeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo baahiyaha dhanka ciidanka ay qabaan.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in Al-Shabaab cabsi xoogan ay ku reebtay howlgalada ay qaadayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB,kuwaasoo saldhigyadooda ku weerara saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlgaladaan Al-Shabaab ay ku qasbeen iney noqdaan baxsad iyo khilaaf dhexdooda hareeyay,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney garab istaagaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee howdka ugu jira ciribtirka Raga xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

Sidoo kale,Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlayay bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in mar waliba ay qasab tahay in ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya loona baahan in aan isku tashano lana tayeeyo Ciidamada Qaranka.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga ayaa qiray in qiimeyn lagu sameeyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed muujineyso iney jiraan baahiyo badan oo dhanka ciidanka ah ay qabaan Xoogga dalka Soomaaliya,islamarkaan Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaasi jira.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here