Faah-faahin:-Qarax ay Ku Dhinteen Caruur oo Ka Dhacay Magaalada Gaarisa

0

Inta la xaqiijiyay shan caruur ah ayaa ku dhimatay kadib qarax miino oo dhulka lagu aasay oo ka dhacay Deegaan lagu Magacaabo  Kanyeri oo u dhow Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiisha Booliska dalka Kenya  ayaa sheegay in Miinada ay aheyd mid xiliyo hore meesha lagu aasay,iyadoo Carruurta ay ku dheelayeen waqtiga ay la kacday.

Sidoo kale booliska kenya ayaa sheegay in Carruurta dhimatay uu u weyn yahay wiil shan iyo toban jir ah.

Inta badan waxaa dalka kenya iyo magaalooyinka Goboka Woqooyi bari qaraxyo ka geysta dagaalyahanadda Xarakadda Al-shaabab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here