Taliyihii ciidanka booliska Puntland ee gobolka Cayn Col, Maxamuud Jaamac Cali ayaa ku geeriyoodey magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.
Taliyaha ayaa u geeriyooday xanuun awgiis, sida ay eheladiisa u xaqiijiyeen warbaahinta Puntlandi, wuxuuna uu ku geeriyooday isbitaalka guud ee Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.
Maanta oo jimco ah ayaa marxuumka lagu aasayaa magaalada Garowe, iyadoo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin katirsan maamulkaiyo saraakiil ciidan.

