Wariye lagu magacaabo Ilyasu ayaa lagu heley in uu xaaskiisa dilay 17 sano ka hor, kadib markii ay soo dhameystiri weysay gabaati oo marka la is guursanayo ay bixiyaan haweynka hindiya sida caadada u ah.
Ilyasu oo ah Wariye caan ah oo ka howlgala taleefishin ku yaala dowladda Hindiya ayaa lagu heley dacwad ah in uu dilay xaaskiisa sanadkii 2000, sababtuna ahayn in ay bixin weysay gabaatigii laga rabay.
Dumarka ku nool dalka hindiya ayaa raga siiya gabaatiga marka ay isguursanayaan.
Wariye Suhaib Ilyasi ayaa waxa uu daadihiye ka ahaa barnaamij looga hadlayo dambiyada dhaca, wuxuuna xiligaa sheegay in xaaskiisa Anju Ilyasi ay iyadu is dishay oo quf kale uusan ka danbeyn dilkaasi.
Laamaha amniga dalkaasi oo waday baritaano kala gadisan ayaa gaba gabadii ogaaday in jirdil xooggan uu u geystay gabadha ka hor inta aysan geeriyoon, si rerka dhalay u siiyaan lacag badan oo gabaati ah.
Dadka hindiya ayaa aaminay Anju iney iyadu is dishay markeedii hore, balse hooyadeed ayaa codsatay in la baaro ninkeedii Ilyasu oo ahaa ruuxa qabay gabadha kadib maamada gabadhadhashay oo ka shakisay.
Dowladda dalka hindiya ayaa waxaa dumarka dalkaasi ay bixiyaan gabaatiga marka la guursanaayo.
Haweynka ku nool dalka hindiya ayaa inta badan sanad walba isku geys waxaa lagu dilaa boqolaal dumar ah oo loo heysto iney bixin wayaan gabaati fiican uu la dhaco wiilka guursanaayo gabadhaasi.

