Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaano katirsan Gobolkaasi,kaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyad dadka deeganka iyo ciidamo katirsan kuwa xarakada Al-shabaab oo ku sugnaa deeganadaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Radio Simba u sheegay ilaa 2 qof oo dad xoola dhaqao ah iney ku geeriyootay halka Al-shabaab-na uu so gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac kadib markii dagaal muddo kooban socday uu ku dhexmarey Xoogaga katirsan Al-shababa iyo dad shacab oo ku sugnaa tuulooyin hoostag deegaanka lagu magacaabo Buqa-qable ee gobalka hiiraan.
Wali lama oga sababta keentay isku dhaca maleeshiyaadka dadka deegaanka iyo Xoogaga Al-shabaab kuwooda ka howlgala deegaanada Gobalka Hiiraan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab ay xir xireen odayaal ay ku adeeyeen iney gacan saar la leeyihiin maleeshiyaadka.
Deegaanka Buqa-qable ayaa khayaas ahaantii wuxuu 90 KM dhanka Galbeed kaga beeganyahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wali dhanka Al-shabaab wax war ah kama soo bixin kaa oo ku aadan dagaalkaan la sheegay inuu dhax maray ciidamo iyaga katirsan iyo kuwa dadka deegaanka oo ku suganaa deegaanka Buqa-qable.

