Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka oo Kasoo Horjeestay Sii Deyntii C/raxmaan C/shakuur

0
Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali daahir

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali daahir ayaa Shir jaraaid oo uu hadda qabtey ku sheegay in Xeer ilaalinta ay Racfaanka ka qaadatey Xukunkii Maxkamada ee lagu sii daayay c/raxmaan c/shakuur.

Xeer ilaaliyaha ayaa Waxa uu sheegay in Sharci daro ay tahay Go’aanka Maxkamada iyo Xeer ilaalinta Racfaan loo diido arintaasina aysan aheyn mid sharci ah siduu sheegay Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Madaxkamada Gobalka Banaadir ayaa Meesha ka saartay Eedeeymo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku soo oogeen Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta Hortagay Maxkamada Gobalka oo manta u Fariisatay Kiiskaasi, siiisayna xuriyadiisa.

Maxkamada oo maanta ay Goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka Maxamed Xasan, Xildhibaan Mahad Salaad, dadweyne ayaa Shaacisay aan Wax danbi ah aan lagu heyn C/raxmaan C/shakuur Sida uu Xaqiijiyey, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here