Koofur-Galbeed:- “Waxaa-na Isku Keen Soo Dhiibay 4 katirsan Xarakada Al-shabaab”

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa idaacada Simba u sheegay in afar ka tirsan Xogaga Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ee isa soo dhiibtay uu ku jiro ku-xigeenkii Hogaamiyaha Al-Shabaabka ka howlgala Gobolka Baay.

Wasiirka ayaa ayaa sheegay iney guul tahay inuu nin ceynkaano kale ah kasoo baxo safka alqaacidada Somaaliya ee Al-shabaab , waxuuna sheegay iney ninkaasi iyo rag la socday isoo dhibeen, wasiirka ayaa ka gaabsaday dhanka kale inuu faah faahin dheeri ah ka bixiyo ragaan sarkaalka isoo dhiibay.

Dagaal-yahanada Xarakada Al-shabaab ayaa wali dhankooda wax war ah kasoo bixin kaa oo ku aadan ragaan la sheegay iney katirsan yihiin Ciidamadooda ku sugan duleedka Bardaale ee Gobolka Baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here