Faah-faahin:- Al-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Ku Dagaalamay Degmadda Afgooye

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Xarakadda Al-shabaab xalay ku dhexmaray Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar  ku qaadeen Degmada waxayna kasoo galeen dhanka buundada oo ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Soomaliya, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay oo soo gaaray dhinacyadii dagaalka uu dhaxmaray.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Al-shaabab ayaa weerar ku qaaday ciidamo katirsan dowladda oo marayay duleedka degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac inkastoo dagaalkaasina aan wali wax war ah kasoo bixin.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee Gobalka shabeelada hoose oo la hadlay idaacada Simba ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro dagaalkaasi balse aysan wax faah faahin ka dheer dagaalka aysan bixin Karin.

dhanka kale Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Shabeelaha Hoose C/raxmaan Dheere ayaa beeniyay in weerar lagu soo qaaday Saldhig ciidanka Soomaaliya ee ku leeyihiin Afgooye balse ay madaafiic rideyn Ciidamada AMISOM

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka Tirsan Al-Shabaab  ay weerareen Ciidamo katirsan dowlada gaar ahaan ciidamada Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray oo marayay wadada xiriirisa degmooyinka Walaweyne iyo Afgooye, islamarkaana khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamadda Dowladda Soomaliya, halkaasina ay ka ka xeysteen gadiid dagaal sida Al-shabaab ay ku baahiyeen warbaahinada ku hadla afkooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here