Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Xarakadda Al-shabaab xalay ku dhexmaray Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar abaabulan waxa ay ku qaadeen Degmada waxayna kasoo galeen dhanka kontaroolka oo ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Soomaliya, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Intaas kadib Ciidamadda xarakadda Al-shabaab ayaa gudaha usoo galay Degmadda Waxayna la wareegeen Buundda yareey oo ay ku sugnaayeen markii hore Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaliya.
Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Al-shaabab ayaa weerar ku qaaday Saldhigyo Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka Tirsan Shabaab ay xalay weerareen Degmadaas,islamarkaana khasaaro la gaarsiiyay Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

