AVV Tahliil:-“Qalad Aheyd Qaabkii Loo Xiray Loona Weeraray  C/raxmaan C/shakuur”,+Dhageyso

0

Qareenka Siyaasiga C/raxmaan C/shakur  Warsame Abuukaate Tahliil Xaaji  oo la hadlay idaacadda Simba  ayaa sheegay in Maxkamadeyntii Siyaasiga  dib loo dhigay ilaa bari kadib markii Xeer ilaalintu ay dalbatay iney la timaado cadeymaha eedeymaha ay soo jeedisay

AVV Tahliil ayaa sheegay in marka horeba ay qalad aheyd qaabkii loo xiray loona weeraray guriga siyaasiga C/raxmaan C/Shakur oo uu sheegay in Ciidamadii weeraray aaney heysan ruqsad.

Guddoonka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in xeer ilaalinta ay muddo 24 saacadood ah ku keento caddeymaha ay u heysto eedaha ay ku soo oogtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa markii maxkamdda lasoo taagay ku eedeysay Siyaasiga eedo ay ka mid yihiin Shirqool dowladeed iyo u adeegidda dano shisheeye si khalkhal loo geliyo xasiloonida dalka, isagoo abaabulay shir iyo fadhiyo, waxaana ay codsatay in la siiyo muddo 5 maalmood ah oo ay ku soo dhameyso baaritaanka ay wado.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here