War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax Gaari lagu xiray ayaa ka dhacay Magaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray Gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliyaoo noociisu ahaa NISSAN SURF.

Gaariga ayaa qarxay xili la geeyay Kaalin Shidaal oo ku taalla Degmada Dharkeynley.

Sarkaalka Gaariga watay oo ka tirsan ciidamada Booliska dowladda Soomaliya, magaciisana lagu sheegay Kulane Cabdi ayaa ka badbaaday isagoo markaas uun ka degay gaariga.

Dhanka kale lama sheegin wax khasaaro ah oo uu geystay qaraxa marka laga reebo burburka gaariga lagu xiray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here