War Deg Deg:-Dowladda oo Sheegtay In Maxkamadd Lasoo Taagi Doono C/raxmaan C/shakuur

0

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa goordhaweyd shir jaraaid ku qabtay Magaaladda muqdisho.

Shirkaan jaraaid ayaa waxaa loogu hadlay weerarkii xalay Cidamadda Dowladda Soomaliya ay ku qaadeen Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Soomaaliya ay weerarkaasi fuliyeen Islamarkaana ay watayn warqad ruqsad soo qabasho ah Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Waxa uu sheegay in Gurigiisa  laga hagayay  dabin ama qiyaano Dowlado Shisheeye la damacsan yihiin Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in shirar aan fasax loogu haysan wasaaradda amniga Gudaha Soomaliya aan lagu qaban Karin  Magaaldda Muqdisho,cidii arintaas sameysana sharciga lala tiigsan doono.

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaliya Axmed Cali Daahir ayaa isna digniino u jeediyay xidlhibaanada iyo siyaasiyiinta dhaliilsan  soo qabashada Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here