Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, kaasoo ahaa eedeyn isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin Fal dambiyeed Qaran dumis ah.
Xildhibaan Saabir oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku tilmaamay eedeyntaas mid aan raad iyo wax loo cuskado aanay laheyn.
“Eedeyntaas waa wax aan sal iyo raad midna laheyn, waxa uu leeyahay waa baarnay in aysan jirin, waayo aniga dalka waa ka maqanahay, nin dalka ka maqan in la dhaho waa baaray wax is leh maba lahan, halkaas ayaa caddeyn kugu filan, isagaa u baahan in xilka laga qaado, waayo isagoo magacii garsoorka wata in loo adeegsado sharci bur burin waa wax qaldan, cida u baahan in tallaabada laga qaado waa isaga”ayuu yiri Xildhibaan Saabir.
Saabir ayaa sheegay in daan daansi ay wadaan Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wsaaaraha Xukuumadda Soomaliya oo uu ku eedeeyay in maalmahan ay wadeen isku dayo lagu caburinayo Xildhibaanada, looguna gafayo magacooda.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir hadii uu wax ka hadlayo ay aheyd inuu ka hadlo arrinta C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo uu xusay in aheyd qodob dastuur ah oo la jebiyay.
Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Golaha shacabka in aysan aheyn arrintan wax shaqsi ku saabsan, balse ay tahay waxa lagu xadgubayo sharafka Xildhibaanada.
Hadalka kasoo yeeray Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku soo oogay fal dambiyeed ku aadan in isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin Qaran dumis, islamarkaana dal shisheeye ay lacag ka soo qaateen

