Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Dacwad Qaran Dumis ah ku Soo Oogay Labo Xildhibaan+Dhageyso

0

Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somaaliya in lagu sameynayo baaris.

Isagoo maanta suxufiyiinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in Xildhibaanada lagu soo eedeeyay eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo ay u gudbiyeen Guddoonka Golaha shacabka baarlamanka Soomaliya.

Labada Xildhibaanada ee eedeenta loo jeediyay ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug.

Arintaan ayaa ku soo aadeysaa, iyadoo Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya ay jiraan, kuwaasi oo mucaarad ku ah Dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here