Wariye Boqorka Bartamaha oo Maanta Kusoo Wajahan Magaaladda Muqdisho

0

Wariye Maxamed Aweys Muudey oo ku magac dheer (Boqorka Bartamaha)ayaa maanta imaanaya Magaalada Muqdisho kadib muddo uu ku jiray Xabsi ku yaalla Dalka Itoobiya.

Wariyahaan ayaa lagu xiray dalka Ethopia kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug yeeshay Qarax ka dhacay garoonka Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla Magaalada Adis ababa.

Maxkamadda Adis ababa ayaa ku xukuntay wariyaha Xabsi dhan 27 Sano maaddaama eeddiisa ahayd Argagixisanimo iyo in uu Qarax ku lugyeeshay.

Dhanka kale Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Adis ababa C/llahi Warfaa ayaa wariye Boqorka bartamaha keenay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo uu xalay ku hoyday waxaana maanta la filayaa in uu ka soo dego Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2013kii,waxaana Afar Sano kaddib xukunkii 27ka Sano ahaa u suuragashay in uu xorriyaddiisa dib u helo,waxaana saakay ku sugan garoonka muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo wariyayasha magaaladda Muqdisho kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wariyaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay siideynta Muuddeey,waxaana Bishii July la shaaciyay in uu ka mid ahaa 120 Qof oo Dowladda Soomaaliya ka siideysay Xabsiyada Itoobiya hayeeshee,kuma uusan jirin dhallinyaro badan oo laga soo daayay Xabsiyada Itoobiya lana keenay Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here