Maxkamadd Ku Taala Dalka Ingiriiska oo Xukun Ku Riday Fanaanka Qoomaal+Sawirro

0

Fanaanka Soomaaliyeed ee da’da ah Maxamed Axmed Qoomaal ayaa maxkamad ku taal dalka Ingiriiska waxa ay ku heshay dambi ah inuu si qaldan u qaadanayay lacagta taageerada ceyrta ah,kadib markii uu kusoo laabtay dalkiisa hooyo ay u socotay isagoo been xeelad abuur saameystay.

Wargeyska Dailymail ee kasoo baxay dalkaas ayaa daabacay in Qoomaal oo 72 sano jir ah lagu soo oogay dembi ah inuu qaadanayay sanad walba lacag gaareysa £39,000 isagoon joogin UK, balse kusoo laabtay Soomaaliya, markii uu adkeysan waayay qabowga ka jira dalka Ingiriiska, waxana uu u soo aaday dalkiisa inuu helo kuleylka cadceeda.

Qoomaal ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu sameystay shabad been abuur ah oo ay leedahay waaxda socdaalka UK, si aan loo ogaan inuusan joojin dalka Ingiriiska, waxayna maxkamadda ku xukuntay 1 sano iyo 3-bilood xabsi ah, ama 15-bilood.

Waxaa Fanaanka Soomaaliyeed ee da’da ah Qoomaal u socday August 20, 2013 ilaa February 22, 2016 lacagta ceyrta ah ee loo siin jiray Guriga uu degan yahay iyo howlgabka, wuxuuna qirtay denbiga isagoo codsaday in la cafiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here