Ciidamada Puntland iyo Kuwa Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Buuraha Galgala

0

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar xooggan xalay ku qaaday saldhig ciidamo ka Tirsan maamulka Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Galgala oo qiyaastii 35 KM ujira magaalada Boosaaso.

Ciidamada Maamulka puntland iyo Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan islaamarkaana uu jiro qasaaro soo kala gaaray dhinacyadii halkaa ku dagaalamay.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa ayaa sheegtay iney dagaalkaasi ay qasaare xoogan ku gaarsiiyeen Ciidamada maamulka Puntland halkaasina ay kula wareegeen fariisin ciidan sida shabaab ay sheegteen, inkasto wali wax war ah aan kasoo bixin Saraakiisha Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalka ka dhacay Buuraha Golis ee deegaanka Galgala ee gobolkaasi.

Ilaa haatan ma jiro cid ka madax banaan oo xaqiijinkarta in qasaare uu soo gaaray Ciidamada Puntland ee weerarka la kulmay, balse Xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama buuraleyda goolis ayaa marar badan oo sidaan oo kale weerar uga qaaday fariisimo ciidamo maamulka Puntland ay ku leeyihiin halkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here