Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka Koofur galbeed Madoobe Nuunow Maxamed oo kamid ahaa dadkii ku dhintey weerarkii ka dhacay hoteelka Naasa Hablood 2, degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa xilkii uu ka hayay inta uu noolaa Maamulkaasi waxaa loo magacaabay wiil uu dhalay wasiir nuunow.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkaasi u magacaabay Maxamed nuur madoobe nuunow oo ah wiil uu dhalay wasiirkii hore ee arimaha gudaha Maamulka koofur Galbeed oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho daba yaaqadii bishii October-2017.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in markii uu madaxweyne Shariif uu la tashtay wasiirada kala duwan ee Maamulkaasi, markuu go’aansaday in Maxamed nuur madoobe nuunow loo magacaabay Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa isla magacaabistaasi uu madaxweynaha u magacaabay Maxamed cumar saytuun Wasiiru dowlahda wasaarada maaliyada Maamulkaasi.
Shariif Xasan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in mas’uuliyiintan la magacaabay iney waxbadan ka qaban donaan shaqooyinka horyaalla.

