Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u Fadhiya Soomaliya

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 27-Dec-15 hoyga uu ka deggan yahay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxa uuku  qaabilay Safiir Waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaliya Maxamed Al-Cutmani.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan kooda wax-yaabihii ay kaga wada hadleen waxaa kamid ahaa xoojinta Xidhiidhka  iskaashi ee qotada dheer ee kadhexeeya  Imaaraadka Carabta iyo Puntland, iyo dardar gelinta Mashaariicda Horumarineed ee Dawladda Imaaraadku  kawado Puntland.

Safiirka Imaaraadka Carabta Maxamed Al-cutmani ayaa Madaxweynaha  Puntland ku ammaanay adkaynta Nabad gelyada iyo barnaamijyada horumarineed ee wax ku oolka ah ee  xukuumaddiisu ay  ku tallaabsatay muddadii labada sano ahayd ee ay xilka haysey, isagoona ballan qaaday in ay dardar gelinayaan sii xoojinta mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku kawado Puntland welibana uu daba gal dheeraad ah ku samayn doono halka ay marayaan Mashaariicdaasi.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa geestiisa uga mahadceliyey booqashadan uu ugu yimi safiirku isagoona ku ammaanay kaalinta weyn ee dhanka horumarka ee Dawladda imaaraadku kuleedahay guud ah dalka soomaaliya isagoona si gaar ah uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee  Imaaraadku fuliso Puntlad.

Sidoo kale Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  Safiirka ku boorey dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Imaaraadku kawaddo Puntland kuwaas oo wax badan kabadeley xaaladda nabad-gelyo iyo mida horumarineed ee Puntland.

Gebe-gebadi Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka Imaaraadka Carabta  ku casumey inuu kala soo qayb galo xafladda xadhig kajaridda Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso oo xarigga laga jari doono 8-January-2015.

IMG_1142 IMG_1131

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here