Munaasabad lagu dhameystirayay Heshiiskii maalmo ka hor dalka Jabuuti ay ku kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusunna ayaa goordhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goobjoog ka noqday heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.
Madaxda Maamuladda Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidoo kale Xildhibaanada Labada Golle ee laga soo doortay Galmudug ayaa ku sugnaa goobta.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsan in Hogaamiyaha Ahlusunna Shiikh Axmed Shaakir uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Galmudug oo ka dhigan Raisulwasaaraha maamulka Galmudug, magaca Galmudug iyo Calanka maamulka in Galmudug loo daayo.







