Wararka ka imaanaya Magaaladda Baladweyne ayaa ku waramaya in qarax miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hir-shabeelle.
Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanka Jiracle oo kamid ah deeganada Maamulka Hir-shabeelle.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan kadibna oo lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hir-shabeelle.
Al-shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ka fulinayso wadada xiriirisa degmooyinka Beled Weyne iyo Matabaan, Jimcihii lasoo dhaafay illaa laba weerar ayaa ka dhacday wadadaasi waxaana si dirqi ah ku badbaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo Taliye ciidan halka 6 askari lagu dilay mid kamida weeraradii dhacay 1,December 2017.

